Kitaabka quduska
Kitaabka Quduuska ah wuxuu u kala baxaa 66 buug ama qaybood. Qaybta ugu horreysa waa Bilowgii tan u dambeysana waa Muujintii. Rabbiga Yehowah Kan ugu Sarreeya caalamka oo dhan. Qorayaashan waxay kaloo inoo caddeeyeen inuu Ilaahay rabo inay binuʼaadanku isaga u dhowaadaan.[1] [2]
Qorniinkan Quduuska ah wuxuu inoo sheegaa runta Ilaahay ku saabsan wuxuu inoo furaa jidka garashadiisa. Waxayna inoo muujiyaan Ilaahay sharciyadiisa, muraadkiisa iyo tacliintiisa. Tacliintiisa waxaa ka tirsan waxyaalahan:
- Ilaahay waa mid. Mid la mid ahna ma jiro.
- Ciise waa nebigii Ilaah, ma ahan Ilaaha Qaadirka ah.
- Ilaahay wuu mamnuucay sanam caabudid.
- Binuʼaadanku waxay arki doonaan maalin la xisaabin doono.
- Kuwii dhintay in la tirin karin baa Jannada lugu soo nooleyn doonaa.[3]
Qoraallada Quduuska ah, gebi ahaan ama qayb ahaan, waxaa lagu heli karaa in ka badan 3,600 oo luqaddood. Dunida kama jiro buug sidaas oo kale loo turjumay.[4][5]
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |