Jump to content

Osmiyaam

Ka Wikipedia

Osmiyaam

Curiyaha Osmiyaam.

Osmiyaam (ingiriis: Osmium) astaanta (Os) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay todobaatan-iyo-lix (76). Curiyaha Osmiyaam waa bir ka tirsan Transitional Metalska ee guruubka 8aad iyo heerka 6aad ee Diwaanka Curiye iyo guruubka d-block.

Curiyahan Osmiyaam waa bir adag, lakala jabin karo, leh midab ciraad cadaan xiga, oo ka tirsan guruubka Balatiniyaam, kuwaas oo leh astaamo dhaqan falgal aad u hooseeya.

Curiyaha Osmiyaam waa curiyaha ugu miisaanka culus dhamaan curiyayaasha sida dabiiciga ah looga helo oogada dhulka. Waxaana loo isticmaalaa in laga dahaadho jaandiga biraha Balatiniyaam, Iridiyaam iyo xubnaha kale ee guruubka balatiniyaam.




pFad - Phonifier reborn

Pfad - The Proxy pFad of © 2024 Garber Painting. All rights reserved.

Note: This service is not intended for secure transactions such as banking, social media, email, or purchasing. Use at your own risk. We assume no liability whatsoever for broken pages.


Alternative Proxies:

Alternative Proxy

pFad Proxy

pFad v3 Proxy

pFad v4 Proxy